Maqaalka Caafimaadka: Faa’iidada Vitamin A & Raashinka Laga Heli Karo..

Health Somalia news

Khabiirada Caafimaadka ayaa isku raacsan in Vitamin A uu muhiim u yahay caafimaadka Indhaha, wuxuu xoojiyaa aragga, wuxuu awood siyaa difaaca jirka, wuxuu kaloo ka qeyb qaataa daryeelka ilkaha, lafaha iyo maqaarka, wuxuu kaloo u muhiim u yahay ka hortagga cudurrada Taracoma…

Bukaanka uu ku yar yahay Isticmaalka Vitamin A waxa ugu horreeyo ee lagu dareemo waxaa ka mid aragga oo daciif noqdo gaar ahaan xilliyada mugdiga (Gudcurka) sida habeenka oo kale, Waxaa Vitaminkaan laga helaa Caroot-ka, Bocorka, Babaayga, Cambaha, Baradhada macaan, Khudradda cagaaran, Beerka, Kalluunka, Caanaha iyo Ukunta.

Faa’idada ugu wayn ee fitamiin A waa ilaalin aragga indhaha isla markaana uu kordhiyo awoodda aragga maadaama uu ka shaqaysiiyo maadada muhiimka u ah isha ee ay u baahantahay ee loo yaqaanno “rhodopsin” oo isha u qaabilsan aragtida midabka, Maadada beta-carotene oo ah nooc ka mid ah fitamiin A waxay ka hortagtaa dhaawaca sonkorta isha ay gaarsiiso, caadka indhaha fuula, iyo xanuun kale oo ku dhaca indhaha kaas oo loo yaqaan “Macular Degeneration”, xanuunkani waxa uu yimaadaa qofka markuu duqoobo. Xanuunnadan waxay ka mid yihiin kuwa aragga lumiya.

Caafimaadka maqaarka:

Fitamiin A waxa uu la dagaallamaa finanka iyo laalaabka maqaarka, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jirka oo la marsado maadada “Retinol” ay aad u yarayso laalaabka maqaarka. Retinool waa maaddo laga soo dheego Fitamiin A, waxayna si weyn u caawisaa dib u cusboonaanta unugyada iyo in jirku soo saaro maadadda Collagen, sidaa awgeed ayayna maqaarka ka dhigtaa mid aan isku dhacsanayn, oo giijisan. Marka aad kiriimada wejiga iibsanayso xasuusnoow in aad iibsato kuwa leh ama ka samaysan maadadda Retinol.

Ku Sumowga Vitamin A?

Haddii aad la iskaga badiyo vitamin A waxaa uu isku beddelaa sun wuxuuna sababaa ciddiyo jajab, timo daadasho, cirrid xanuun, matag iyo isbdello ku yimaada maqaarka iyo aragga.

294430cookie-checkMaqaalka Caafimaadka: Faa’iidada Vitamin A & Raashinka Laga Heli Karo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com