Maxaa Laga Dhaxli Karaa Dagaalka Farmaajo Wakiilada B/Caalamka

Somalia news

Dalalka daneeya Arrimaha Somalia ayaa Dhaqaale, Tababaro, gudbin xogaha Kooxaha argagixisada iyo dhiiri gelin u fidinaayay Dowladda Federaalka tan iyo 2000-dii, waxaana la sheegay in Xiriirka u dhaxeeyay Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Maamuladii isaga dambeeyay Dowladda Federaalka xiriirkoodu uu hadba heer soo taagnaa….

Deeq bixinta Dalalka daneeya Arrimaha Somalia ayaa aheyd mid joogto ah, iyagoo dhaqaale u huray Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaanse la sheegay in Maamulka Farmaajo uu xiriirka uu la leeyahay Saaxiibada Somalia mid hooseya wixii ka dambeeyay 2018-kii markii Wakiilada UN-ka ee Somalia Mr.Nicholas Haysom oo ah South African Qareen & Diblomasi ka dalbay inuu Dalka isaga baxo (Persona non grata) kadib markii uu si adag uga hadlay xasuuqii Ciidamada Ethiopia (Amisom) iyo kuwa Somalia ay geysteen.

Maanta Farmaajo ayaa Taageerayaasha u sheega iney isku hayaan Khilaafka Doorashada Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo la ogyahay in Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo aadka u diidan in Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday in rabitaankiisa Doorashada iney ka hirgaaho Degaanada ay gacan ku hayaan.

Aqoonyahannada iyo Siyaasiyinta ayaa aamisan in dalka uusan weli ka maarmin taageerada Beesha Caalamka, iyadoo Miisaaniyadeeda sanadlaha ah 90% ay ka timaado taageerada iyo deeqaha dhaqaale Ee Saaxiibada Somalia, sidoo Amaanka xarumaha Xafiisyada Dowladda waxaa ilaaliya Ciidamada Amisom, waxaana la sheegay in dhowaan loo goodiyay Cunaqabateyn iyo xayiraado safarada ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada kadib markii heshiis ka Gaari waayeen Khilaafka Doorashada Somalia.

Farmaajo oo yaqiinsaday inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeynin Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay inuu xiligaan mashquul ku yahay sidii uu xiriir soke ula yeelan lahaa Dalalka Russia iyo China, Kulan ka dhacay dhowaan Villa Somalia oo Farmaajo la yeeshay C+6 si ula kac ah ugu soo daray Dalalka Russia, China, Qatar, Turkiga iyo Ethiopia, talaabadaan oo u ku dandaansanaayay C+6.

Diidmada Farmaajo ee Wakiilada Beesha Caalamka miyeey sabab u noqon karaan in rajadiisa dib u Doorashada, miyuuse eersan doonaa Erintii Wakiilka UN-Ka Ee Somalia, Waxaana shaki ku jirin in Saameynta Saaxiibada Somalia ay caqabad ku noqotay Farmaajo iyo inuu Rabitaankiisa ka dhaadhiciyo taasoo horseedi karta in markii 2-aad Shaashada Siyaasada si muquunin ah looga saaro Farmaajo.

108470cookie-checkMaxaa Laga Dhaxli Karaa Dagaalka Farmaajo Wakiilada B/Caalamka