Su’aali u Baahan Jawaabo Oo ku Gedaaman Dhalinyarada Eritrea Tababarka u jooga

Somalia news

Madaxweynaha Somalia oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Dalka go’doonka siyaasadeed ka ah Dunida inteeda kale ee Eritrea, isla markaasna aan si cad uusan u shaacin sababaha hortaagan Dhakinyaradaan in Dalka dib loogu soo celiyo, hadana waxaa taagan su’aalo u baahan Jawaabo…

Inkastoo Booqashada Madaxweynaha ay soo afjartay hubanti la’aanta ka taagneyd noolashada Dhalinyaradaan iyo xaalada ay ku sugan yihiin, haddana si cad Madaxweynaha uguma jawaabin su’aalaha ku gedaaman ee xiliga Dalka dib loogu soo Celinaayo Dhalinyaradaan iyo sababta loogu hayo rahan ahaanta.

Sidii Maamulkii ka horeeyay Villa Somalia waxey xadiday Macluumaadka ay Shacbiga kala wadaageyso Safarka marka laga reebo sawirada badan ee xayeeysiiska ah ee uu kula kulmay Madawrynaha, waxaase marqaati ma doonto ah in kaamirooyinka Sawir qaadayaasha Soomaalida loo diiday iney sawirtaan Dhalinyaradaan, waxaana la siiyaa Sawiro ay qaadeen Wasaarada Warfaafinta iyo Sirdoonka Eritrea

Hab-dhaqankaan faaf reebka ku dhisan ee Macluumaadka Dhalinyarada ayaa aad loogu dhaleeceeyay Hanaanka uu u oggolaaday Madaxweynaha inuu qeyb ka noqdo sidii maamulkii ka horeeyay in Sir lagadhigo Xaalada nololeed ee Dhaliyarada, isagoo balanqaadkiisii ahaa inuu daaha ka feydo Xiisadaan, uu ku soo koobo “igu sawir”, shalay ayuu dalka dib ugu soo laabtay.

224920cookie-checkSu’aali u Baahan Jawaabo Oo ku Gedaaman Dhalinyarada Eritrea Tababarka u jooga