IMF Qeybta Somalia Oo Ka Welwelsan Gaabiska Doorashada

Somalia news

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa sheegtay in daaha Doorashada Somalia uu dhibaato ku yahay taakulada lagu kabo dhaqaalaha ku baxa Ciidamada, Qorshaha Deyn cafinta & horumarka dhaqaale ee Dalka..

Madaxa IMF ee Dalka Somalia Mr.Laura Jaramillo ayaa sheegtay in 17ka May 2022 marka la gaaro Somalia looga baahan yahay lacag ku dhow $5 Bilyan ilaa $10 Bilyan oo qayb ka ah qorshaha deyn Cafinta, IMF ayaa ku caawiso mashruuc xoojinaya miisaaniyadda ku baxda Ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah waana tan keentay in Hay’addaan ay welwel ka muujiso dib u dhaca Doorashooyinka oo Somalia u horseeday dhibaato dhaqaale.

Miisaaniyadda Somalia waa $400 oo Milyan oo Doollar, qayb kamid ah heshiiska lagu dhimayo Deynta waxaa ku xusan in la bixiyo in ka badan $5 Bilyan oo dollar ilaa $10 Bilyan oo dollar, wixii ka dambeeya 17ka May haddii aan la dhammeystirin Doorashooyinka waxaa istaagaya Kaalmada kabka ah ee lagu gacansiiyo  Ciidamada DFS” ayay tiri Madaxa IMF ee Somalia.

Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya waxaa muddeyntii ugu dambeysay ee uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka ku jaangooyay in lagu soo gabagabeeyo muddada u dhaxeysa 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022, Xildhibaannada Dooran waa 156 mudane, waxaa dhiman 119 Xildhibaan waqtiga xilliga lagu ballamay ka harsan waa 6 Cisho.

169870cookie-checkIMF Qeybta Somalia Oo Ka Welwelsan Gaabiska Doorashada