Abaar & Biyo La’aan Baahsan Oo Dalka & Dadka Wada Saameeyay

Somalia news

Degaano badan oo Gobolada Dalka ayaa laga soo sheegaya iney ku habsatay Abaaro iyo Biyo la’aan baahsan taasoo saameysa ilaa 6-7 Million oo Soomaali ah kuna nool 10-12 Gobol Oo Dalka Somalia ka tirsan, iyadoo aysan jirin diyaargarow Dowladda, Shirkaddaha iyo Ganacsatada ay xiligaan wadaan…

Malaayiin Qoysas Soomaaliyeed oo Xoolo dhaqato iyo Beeralay ah oo horey ula tacaalayay amaan darro uga soo barakacay tuulooyin kala duwan ayaa hoy xumo, cunta yari iyo biyo la’aan ku haystaa gudaha degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka, inkastoo Dowladda UAE ay todobaadkii tagay ku wareejisay Gargar Raashin ah Oo Dowladda Federaalka u diray Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo hadana kuma filna Baahida jirta.

Boqolaal kun oo qoys oo u badan xoolo-dhaqato ayaa kala sheegay iney degaanadii ay ku noolaayeen ay noqdeen Oomane Oo biyo yaraan soo food saartay, Biyaha ceelasha qaarkood ayaa sheegay in Lacago laga qaado si ay cabaan iyaga iyo Xoolahooda, waana Ayaan darro in lagu fiirsado Oo aan loo fidin gurmad deg deg ah.

Sidoo kale Waxaa la sheegay in Gobolada Dhexe Ee Dalka inta badan Ceelasha dhaa-dheer ay u baahan yihiin dayactir, kuwaasoo Xaalada biyo yaraanta sii xumeysa, ilaa hadda ma jiraan Booyado biyo dhaamis ah oo laga bilaabay Gobolada, halka Wabiyada Dalka ay biyo yareeyeen.

162330cookie-checkAbaar & Biyo La’aan Baahsan Oo Dalka & Dadka Wada Saameeyay