Xoogaga Amaanka Waqooyiga Gaalkacyo Oo Gacanta ku Dhigay Nin Gaari Dhacay..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Xoogaga Amaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo fuliyeen kuna soo qabteen Nin burcad ah oo dhacay Gaari nooca Probox ah oo xalay ku dhacay gudaha magaalada, iyadoo uu qorsheynaayay inuu ka baxsado…

Wararka ayaa sheegay in Ninkaan burcadka ah uu Gaariga laga soo dhacay xaafadda Siinaay ee Gaalkacyo, Xoogaga Amaanka ayaa ku guulaysteen iney gacanta ku soo dhigaan Gaariga iyo Shaqsigii dhacay waxaana laga soo qabtay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

War ka soo baxay Taliska Boliiska, ayaa lagu sheegay ““Ciiidanka Boliiska Qeybta Waqooyiga Magaalada ayaa ku guulaystay  Gaari laga dhacay xaafada siinaay oo isla saacad gudaheed Police ay gacanta kusoo dhigeen Gaariga iyo Eedaysanihii watay iyo pastolad gacan ku samays ah oo ay gaariga ku furteen, Bistoolada waa kartoon loo ikeysiiyay oo bacmadow lagu duubay waxaana lagu qabtey Xaafada Garsoor ee Magalada Gallacyo” ayaa lagu yiri Warka.

288170cookie-checkXoogaga Amaanka Waqooyiga Gaalkacyo Oo Gacanta ku Dhigay Nin Gaari Dhacay..