Ra’iisul Wasaaradaha Dowladda Ethiopia Abiy Axmed oo ka hadlay kalfadhiga 4-aad Ee Baarlamaanka Dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa uu wajahaayo dhaqaale xumi baahsan, isagoo sheegay in tiro safaarado ay xirayaan dhowaan…
Mr.Abiy ayaa sheegay in 30-safaaradood ay ku lahaayeen Dibeda ay xiri doonaan bisha September ee sanadkaan, wuxuuna ku sababeeyay dhaqaale yari iyo kharashaadka Safaaradaha oo kordhay, Su’aal ku saabsaneyd biyo xireenka, ayuu tilmaamey Abiy Ahmed iney uga dan leeyihiin geedi dalkiisa uu ugu jiro dhanka iyo horumarka.
Wuxuu carabka ku adkeeyey in dalalka kale ay tahay iney fahmaan qorshaha horumarka ee dalkiisa, taasoo aan caqabad ku aheyn biyaha dalalka kale ee Sudan iyo Masar, waxaana Dowladda Egypt ay sheegtay in Ethiopia ay bilaawday iney dhameystirto dhismaha biyo xireenka heshiis la’aan