Maamulka Muuse Biixi Oo Isbedel ku Sameeyay Hey’adiisa Sirdoonka & Sababta..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa isbedel uu Madaxweynaha Maamulka Hargeysa uu isbedel ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Hey’ada Sirdoonka, kadib markii uu tuhun galay in Hogaanka Hey’adaan ay ka gaabiyeen Gudashada Xilka loo igmaday…

Wararka ayaa sheegay in Madaxii Hey’adda Faysal Guhaad Cabdi-Gaheyr ayaa xilka laga qaaday waxaana lagu bedelay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdisataar oo isku beel ka soo wada jeedaan Muuse Biixi, iyadoo sidoo kale Waaxyada iyo qeybaha ay ka kooban tahay Hey’adda, iyadoo Hogaanada Hey’adda loo magacaabay mid kamid ah wiilasha Madaxweynaha.

Khubarada u dhuun daloosha Arrimaha Saami Qeybsiga Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Taliyaha Nabadsugida loo magacaabo qof ku dhaw Madaxweyne Biixi saami qeybsiga beelaha, ayaa muujinaysa ifafaalaha ah in Taliyaha Xoogaga laga wareejinayo Mr.Nuux Taani oo ku jufo ah Muuse Biixi.

Maamulka Hargeysa ayaa dhex dabaalanaysa xiisado colaadeed in muddo ah kadib jabkii Xoogaga maamulkaasi kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood ka dhacay 25kii August, kaasoo Xoogaga degaanka ee SSC ay saacado kooban cagta ku mariyeen Ciidamadii la dhisayay 32-kii sano, sidoo kalena kula wareegeen Fariisinkii Goojacade ee 8 bilood ka duqeynaysay magaalada Laascaanood.

276490cookie-checkMaamulka Muuse Biixi Oo Isbedel ku Sameeyay Hey’adiisa Sirdoonka & Sababta..