Puntland Oo Maxkamad Horgeysa Waaligii Shababka Mudug

Somalia news

Sida ay sheegeen ilo amaan, waxaana Maxkamada Ciidamada ee Degaanada Gobolka Mudug (Puntland) la soo taagay Waaligii (Horjoogihii) Kooxda Shababka ee Gobolkaasi, kadib markii lagu qabtay isaga iyo xubno kale oo Ururka ka tirsan, howlgal ay qaadeen Ciidamada Amaanka Gobolkaasi, waxaana dhamaan lagu Xukumay dil toogasho ah…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Mudug (Puntland) uu xaqiijiyay in Howlgal ay Ciidamada Amaanka qaadeen ay ku guuleysteen iney soo qabtaan Waaligii Shababka Gobolka kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xaashi Muumin Sabriye iyo 5-xubno oo la tuhunsan yahay kuwaasoo magacyadoodu lagu kala sheegay:-

-Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abuu dayib)

-Maxamed Ali Awke (Jeeri)

Maxamed Cabdullahi Ceynte (Abeyle)

-Qaasim Jeylaani Al-Turabi

Gudoomiyaha ayaa sheegay “in wixii dil ahaa tan iyo xiligaas ka dhacay Gobolka ee lagu laayay Mas’uuliyiin, Nabadoono, Saraakiil Ciidan iyo Shacba isaga ayaa afkiisa ka qirtay inuu Mas’uul ka ahaa” ayuu Yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdilariif Muuse Nuur (Sanyare).

Dhanka kale Odayaal degaanka ka soo jeeda ayaa Sanyare ku Eedeeyay inuu so shaqsi ah u beegsaday una Xiray Eedeysanaha, waxeyna ku eedeeyeen Gudoomiyaha inuu ka dhacay Hantidiisa iyo Gaari uu lahaa oo lagu soo Danbulo khamri, Eedeysanaha iyo 5-kale ayaa la horgeeyay Maxkamada Ciidamada, iyadoo lafilaayo in xukun lagu rido dhowaan.

116380cookie-checkPuntland Oo Maxkamad Horgeysa Waaligii Shababka Mudug