Abu Dhabi Port iyo DP Worlde Maxey ka galaan Ethiopia? Mise Badda Somalia ayaa lagu Xisaabtamay..?

Africa News World

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ayaa sheegay in Doraad ay Dowladaha UAE iyo Ethiopia ku kala saxiixdeen heshiis ka kooban 17-Qodob oo is-afgarad ah, waxaana ugu muhiimsanaa Iskaashiga dadaallada la dagaalanka argagixisada ee labada Dal…

Iyadoo Dekadda Abu Dhabi markii ugu horeysay la saxiixayay heshiis is-afgarad ah, arrintaas oo xiiso leh, tafaasiishana u baahan in la sii baaro, bacdamaa ay saameyn ku leedahay Dekedaha Berbera iyo Boosaso, waxaana oggolaasho siiyay Xasan Gurguurte.

Mas’uuliyiinta Abu Dhabi Petroleum ayaa sidoo kale heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Wasiirka Beeraha, taasoo muujinaysa horumar xiisa leh oo dhinaca sugnaanta cuntada ah, iyadoo Abu Dhabi National Bank waxa uu bangiga dhexe ee Ethiopia la saxeexday heshiis lagu iibsanayo dahabka Dalka.

Ethiopia, ayaa Shirkadaha Dahabka ayaa loo ogolyahay inay ka iibiyaan Bangiga dhexe oo kaliya, kaasoo haysta kayd aad u badan, iyadoo Bangiga dhexe ee UAE wuxuu ogolaaday inuu lacag u daabaco Ethiopian Bank, UAE Banka ee wax dhoofinta wuxuu ogolaaday inuu kordhiyo xariiqda deymaha ee Bangiga dhoofinta ee Ethiopia.

Sidoo kale Shirkadda DP World ayaa waxay heshiis la gashay Wasaaradda Saadka, waxaana lagu tilmasmay inuu yahay heshiisyadii iyo is-afgaradkii ugu muhiimsanaa ee ay kala saxiixdeen UAE iyo Ethiopia. Hoggaanka Imaaraatka Carabta ayaa u arka Ethiopia iney tahay Dal muhiim u ah gobolka Bariga Afrika, waxayna aaminsan yihiin in ay Ethiopia uga faa’iidaysan karto kor u qaadida saameynteeda juqraafiyeed iyo juqraafi-dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, waxa mudan in laga fiirsado in Xiriirka Somalia iyo Ethiopia & Somaliavs UAE, bacdamaa Heshiisyadaan la gaaray uu khatar ku yahay Amaanka, Dekedaha, Danaha iyo Midnimada Dalka, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada iyo goobaha loojistikada (Berbera iyo Boosaaso Ports).

273120cookie-checkAbu Dhabi Port iyo DP Worlde Maxey ka galaan Ethiopia? Mise Badda Somalia ayaa lagu Xisaabtamay..?