Wadada isku xirta Qardho iyo Garoowe oo Maleeyshiyaad Isbaaro u dhigteen Musaafiriinta..

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhac ku yimid Amaanka Wadooyinka Degaanada Maamulka Puntland, iyadoo Mar kale la sheegay in wadada isku xirta Degmooyinka Qardho iyo Garoowe ay ka xiran Tuulada Libaaxo oo qiyaastii 80-km Waqooyi uga beegana xarunta Maamulka Puntland…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Wadada markaan aysan xiran Ciidamo gadoodsan oo mushahar ka cabanaya, balse waxaa xirey Ganacsatada qaadka oo dagaal dhanka qaadka ah uu dhexmarey ganacsato kale oo xiriir dhaw la leh Madaxtooyada Puntland.

Waxey sheegeen Wararku in qaar ka mid ah Ganacsatada oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iney maalmahaan u joogeen Kenya arrimo la xiriira qaadka, iyo sidii magaalada Qardho looga dejin lahaa qaadka Mirowga, Bishan Agoosto ayaa ahayd tii ugu xumeyd ee soo marta Dadka socotada ah ee sida hawl yarida ah isaga gooshi jirey gudaha Puntland, Kontoroolka Xarfo ee gobolka Mudug ciidamadii qabsadey ayaa halkii gaari ku soo rogey $50 dollar in ay iska bixiyaan ka hor inta aan cabashadooda la xalin.

Goor dambe oo shalay ah ayaa xal laga gaarey kadib 24 saacadood oo wadadu xineyd, waxaana gaarey halkaas, ganacsadey jaamac Dhadheere iyo guddoomiyaha Dangoroyo, Madaxweynaha Puntland waxa uu ku maqan yahay Dalka UAE safar gaar u ah oo aan qof kale ku wehelin, Guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Xildhibaano badan waxay ku sugan yihiin Nairobi, waxaana qaarkood ku leg lee yihiin xiisadda qaadka.

273200cookie-checkWadada isku xirta Qardho iyo Garoowe oo Maleeyshiyaad Isbaaro u dhigteen Musaafiriinta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com