Adeegsiga Baraha Bulshada & Saameynta Dhalinyarada Xiligaan..

Somalia news

Baraha Bulshadu, waa ablikayshino (Applications) kala duwan, aadna u faraban oo ay adeegsadaan inta badan Dhalinyatada kala duwan isla markaana ku nool dalalka Aduunka, Hadaba waa maxay Saameynta Taban(Negative) iyo tan Togan(Positive) ee adeegsiga Dhalinyarada Baraha Bulshadu ku wada xiriirto…

SAAMEYNTA TOGAN (POSITIVE) EE ADEEGSIGA BARAHA

-Xiriir dhaqso leh, baraha bulshadu waxa ay leeyihiin faa’iido ah xiriirinta asxaabta, qaraabada iwm, iyadoo ay iska warqabayaan ehel iyo asxaab kala jooga qaarado, Dalal iyo Gobolo kala duwan.

-Faa’iidoyin Dhanka waxbarashada ah, baraha bulshadu ku wada xiriirto waxa ay dadka qaar uga faaideystaan in ay ka helaan Waxbarasho ama wax anfacaya naftooda sida: barashada xirfado kala duwan oo ay soo xayasiiyaan ururada iyo institution-ada waxbarashada.

-Helista Warbixinada Wax ku oolka ah, dadka qaar ayaa adeegsiga barahaan uga faaideysta in ay ka korarsadaan waaya aragnimo, iyaga oo diirada saaraya helitaanka macluumaadyo muhiim u ah. Tusaale hadii aad tahay arday ama dhakhtar waxa aad diirada saareysaa helista warbixinada wax ku oolka ah ee kusoo kordhaya field-ga aad kuguda jirto sidaa darteed waxa muhiim ah in aad waxbadan oo soo kordhay ka dhursugto oo faham qota dheer ka hesho si aynan kuugu noqon fajac.

Baraha bulshada waxa ay Muhiim uyihiin dad badan oo ka hela, wacyigelino Caafimaad oo Bilaash ah, waxa aad arkeysaa website-s kala duwan oo lagu soo daabacayo wacyigalin caafimaad waana mid ay inta badan ku faa’iidaan isticmaalayaasha Baraha Bulshada.

SAAMEYNTA TABAN(NEGATIVE) WAXA KAMID AH:

-Dadka qaarkii waxa kaga faafa baraha bulshada Muuqaal ama aragti khaldan isla markaana ciriiri galisa jiritaanka noloshiisa, halka kuwo kale uu wakhtigu ku lumiyay. Baraha bulshadu waxa ay dilaan oo ay lumiyaan wakhtiga qofka ama adeegsadaha hadii uusan u go’aamin wakhti cayiman.

-Niyad jab iyo walaac. Baraha bulshadu waxa ay isticmaalayaasha ku sababaan walaac iyo niyad jab waxana laga yaabaa in dadka qaarkii ay ka dhaxlaan xanuuno kudhaca dhimirka isla markaana khalkhal galiya noloshooda.

-Dhalinyarada oo qaarkood soo gudbiya muqaalo sir ah laga duubay Dhalinyaro kale laguna baahiyay Baraha Bulshada, halka kuwo kalena oo is-qaba oo iska soo duubo muqaalo anshax xumo, waxaa ugu daran Adeegsiga Caruurta.

-Caafimaad darro, Baraha Bulshada waxa laga dhaxlaa xanuuno kala duwan, Waxa jira iyana oo barahani ku sababaan adeegsadayaasha hurdo la’aan waana sababta dad badani uheli waayan hurdo caafimaad leh oo ku filan maadama waqti badan uu ka galo isticmaalka aaladahaan.

-Waxa jirta saameynta ah hadii uu ka maqnaado(offline) inuu waayo taagerayaal badan oo uu baraha kulahaa, hadii uu jogana(online) waxa iyana jirta saameyn badanaa kaga timaada xaga lamaanta ama saaxiibada/saaxiibka uu leeyahay qofku, iyada oo uu halkaa ka dhasho hinaase ama maseyr.

312280cookie-checkAdeegsiga Baraha Bulshada & Saameynta Dhalinyarada Xiligaan..