Afduub Loo Geystay 15- Ganacsato Xoolaha Ah

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Afduub loo geystay 15-xubnood oo Ganacsato ka soo jeeda Gobolka Hiiraan kuwaasoo la sheegay iney falkaan ka dambeeyaan maleeshiyaadka Kooxda Shababka, iyadoo ku eedeeyay iney bixin waayeen baada, (Zekeda Xoolaha) ay kooxdu ka qaado Gobolada Dalka…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ganacsatadaan iyo 1000-neef oo Lo’ah Maalmihii ugu dambeysay laga afduubtay Degaano hoos yimaada Gobolka Hiiraan, iyadoo lagu Eedeeyay iney ka baaqsadeen iney bixin waayeen Baada lagu soo rogay iyo ganaax lacageed oo horjoogayaasha Kooxda Shababka ku xukumeen Ganacsatadaan, taasoo dhan 100-US$ Neefkiiba.

Gadisleyda Xoolaha ee la Eedeeyay ayaa la sheegay iney ka baaqsadeen amaro ah iney xoolahooda ka dhoofiyaan Dekedaha Kismaayo iyo Mogadishu, waxaana xoolahaasi laga dhoofiyay Dekedaha Boosaaso iyo Berbera oo Maamulka dekedahaasi uusan wax xiriir hoose ah laga dhaxeynin Kooxda Shababka.

Horjoogayaasha Shabaabka oo awaamiirtan soo rogay daba-yaaqadii bishii January ee sanadkan ayaa sheegay in lo’da laga dhoofin karo oo keliya Dekedaha ay tilmaamaan. Shabaabku waxay xilligaa sheegeen in ciddii aan awaamiirtooda u hoggaansamin in neef walba oo lo’ ah lagu ganaaxi doono boqol dollar.

101300cookie-checkAfduub Loo Geystay 15- Ganacsato Xoolaha Ah