AFFRICOM:-Majiro Taageero aan siino Xoogaga Hubeysan PSF

Somalia news

Taliska Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano ,AFFICOM, ayaa sheegay in aysan xiriir rasmi ah la lahayn PSF, isla markaana aysan taageero toos ah siin ciidanka PSF, waxaana soo shaac baxaaya in 16-bilood uusan xiriir iskaashi ka dhaxeynin Taliska Africom iyo Hey’adda PSF…

AFRICOM waxa ay PSF ku tilmaantay in ay yihiin Xoogaga Hey’addaan yihiin kuwa ugu awooda badan ee Puntland u qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada, ayna ka walaacsan yihiin sida dagaaladu u saameyn karaan awooda PSF ay kula dagaalanto Kooxaha Shabaab iyo Daacish.

“Al-Shabaab iyo Daacish labaduba waxay u arkaan in PSF ay caqabad weyn ku tahay helitaanka dhul iyo dhaqaale ee Puntland, waxayna u badan tahay inay si dhow ula socdaan xaaladda,” afhayeenka AFRICOM Kelly Cahalan ayaa sidaasi u sheegtay VOA-da.

Sarkaalka ayaa sheegay in taageerada Maraykanka ee PSF la joojiyay sanad ka hor ka dib markii ay diideen qorshe loogu jiray in lagu biiriyo Ciidamada Guutada Danab, oo ah unug Soomaaliyeed oo caan ah oo ay gacan siiyaan ciidamada Mareykanka.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho kama aysan jawaabin codsi ay VOA u dirtay oo ku saabsan xaaladda taageerada ay siiso PSF. Safaaradda ayaa si kastaba ha ahaatee ku baaqday in la joojiyo dagaalka Boosaaso.

157610cookie-checkAFFRICOM:-Majiro Taageero aan siino Xoogaga Hubeysan PSF