Kooxda Shabaabka Oo Sheegtay Iney Kharijiyeen Sarkaal..

Somalia news

Kooxda Argagixisada Shababka ayaa sheegtay iney khaarijiyeen Sarkaal Sirdoon oo muddo ku raad joogeen, iyadoo sheegay in howlgalkaasi ay fuliyeen kooxaha dilalka u qaabilsan kadib markii ay heleen Macluumaad la xiriira dhaqdhaqaaqiisa..

Kooxda ayaa sheegtay inuu weerarka ka dhacay Xaafada Raadadka ee Degmada Dayniile ee Gobolka Benadir, iyagoo sheegtay iney toogasho ku dileen Sarkaal darajadiisu iyo magaciisa ku sheegeen Dhamme Xasan Sheekh Maxamed Faarax, kaasoo ka tirsanaa Hogaanka sirdoonka iyo Sahanka Ciidamada, isagoo u xil saarnaa Qeybta Baarista.

Waxey kaloo sheegteen in Marxuumka ay ka fourteen Bastoolad uu ku hubeysnaa, iyagoo dhagar qabayaasha Dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana soo gaaray Ciidamada Dowladda Oo Isku gadaamay goobta uu Falka Dalka ka dhacay, ilaa hadda Hogaanka uu Sarkaalka ka tirsanaa ayaa soo saarin war la xiriira Dilka.

157640cookie-checkKooxda Shabaabka Oo Sheegtay Iney Kharijiyeen Sarkaal..