Ma Dhabaa In Benadir State Lagu Dhawaaqaayo Si Loo Carqaladeeyo Doorashada

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Khilaafka xargo goostay Ee u dhaxeeya Madaxweynaha Fashilmay Ee muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo iyo Wasiirka 1-aad ee xil gaarsiinta Mr.Rooble, Khilaafka ayaa salka ku hayo Boobka Doorashada iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa awoodaha Mr.Roobbe..

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Kooxda Farmaajo Oo Ka niyad jabay Talaabooyinka iyo Tubta hagida Doorashada dadban uu ku Hogaaminaayo Mr.Rooble ayeey bilaabeen in Carqaladeeyaan Hanaanka Doorashada, waxeyna diyaariyeen laba qorshe Oo Lagu jawhareerinaayo Shacbiga Soomaaliyeed.

Qorshaha Hore:-

In Guddi Saraakiil Ciidamo ah la magacaabay kuwaasoo Dembi u soo bar-baara Wasiirka 1-aad kadibna u gudbiya Gudoomiyaha Maxkamada Sare si u ugu dhawaaqo inuu khiyaano Qaran iyo Dhul Dan Guud ah uu boobay kuna dhistay hantida Shacbiga, wuxuuna u soo jeedin doonaa Farmaajo Fashilmay inuu Xilka ka Xayuubiyay Wasiirka 1-aad Ee xil gaaraiinta, islamarkaana la baabi’iyo Doorashada Dalka lagu soo rogo xukun degdeg ah, iyadoo la adeegsanaayo Ciidamada.

Wajiga 2-aad Ee Qorshaha:-

Farmaajo iyo Fahad ayaa qorsheeyeen in Gudoomiyaha Gobolka Benadir Mr.Cumar Finsh inuu ku dhawaaqo inuu u duub siibto Madaxweynaha Benadir State si loo yareeyo awoodaha Wasiirka 1-aad, talaabadaan una ay abuurto khalkhal siyaasadeed iyo amni darro horseedana iney ka faa’iideystaan Kooxda argagixisada Shababka Ee gacan saarka la leh Farmaajo iyo Fahad.

Maxaa Ka Soo bixi doona Kulanka Golaha Wasiirada Oo lagu wado inuu qabsoomo duhurnimada maanta, ma dhici kartaa in Xilka laga qaado Wasiirka Gaashandhigga iyo Taliyayaasha Ciidamada!!?. Maxey kula tahay!!?

157530cookie-checkMa Dhabaa In Benadir State Lagu Dhawaaqaayo Si Loo Carqaladeeyo Doorashada