Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Qorsheysay in K/Galbeed Dib loo Qaabeeyo, & gobal laga jaraayo..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe isbedel cusub lagu sameynaayo Qaab dhismeedka Konfur galbeed isla markaasna laga jaraayo Gobolka Shabeelada hoose ayna wado Madaxtooyada Villa Somalia inkastoo aysan weli la shaacinin…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Madaxweynaha iyo Kooxdiisa (Demu-jadiid) ay wadaan qorshe la doonaayo in Gobolka Shabeellaha hoose looga jaro Maamulka Koonfur Galbeed, la hoos geeyo Maamul Goboleed cusub oo ay caasimadda Dalka loo dhisaayo, talabadaan ayaa u muuqata mid looga hadlin doono kulanka Bisha soo socota ay yeelan doonaan Guddiga Wada Tashiga Qaranka.

Qorshahaan oo diyaarintiisa ay dhowaanahan ku howlaneed Saraakiisha Madaxtooyada ayaa noqonaya mid haddii lagu dhaqaaqo  qarax siyaasadeed ka abuuraya dalka, xilli Shabeellaha hoose uu ahaa in ka badan 10 sano gobal ay ka dhacayeen dagaal beeleedyo, intooda ku saleysanaasheegashada dhulka🦯beereedka, Iyadoo Degaanada kulaala Caasimada ay noqdeen kuwo ay ku xoogan yihiin Kooxda argagixisada loo baahan yahay in la helo 3-daan qodob.

-Amaanka Caasimada uu kuxiran yahay Maamulida Gobolka Shabeelada hoose.

-Hogaanka Daljir oo ku milmay Xisbiga Madaxweynaha ay muddo wadeen iney saami ka helaan Maamulka K/Galbeed ka waayeen ay doonayaan iney Shacbigooda la hoos geeyo Caasimada Mogadishu.

-Strateejiyada cusub ee qorshaha Federaalka ayaa ah in la dhimo awoodaha Maamulada, iyadoo loogu bedelaayo iney Saamiyo ka helaan Gobolada kale, si taasi loo hirgeliyo loo baahan yahay iney Maamulada tanaasul la yimaadaan 0”oggoladaan in qorshahaan hirgalo.

226870cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Qorsheysay in K/Galbeed Dib loo Qaabeeyo, & gobal laga jaraayo..