Ma Dhabaa intii Badneyd Ganacsigii Magaalada Boosaaso Albaabada loo Laabay Cabsi awgeed…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland ayaa sheegaya in tiro Shirkado ganacsi ah oo caan ka ah magaalada Boosaaso lagu qasbay inay albaabada isugu dhuftaan Meheradadooda kadib hanjabaado kasoo yeeray kooxda argagixisada ah ee Daacish, sida ay xaqiijiyeen ilo Amaan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news la wadaagtay in Shirkadaha alaabaha dhismaha iyo Ganacsiga, sida Towfiiq, Gufurre, Horseed, iyo Oomaar, ay qaadeen tallaabo si ku meel gaar ah loogu xiray xarumahooda kadib digniino sheegaya inay la kulmi doonaan dhibaato lamid ah tii shirkadihii horay loogu gubay magaalada Boosaaso, waxaana taagan xaalad cakiran oo cabsi cabsi ah.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Milkiilayaasha Shirkadaha lagu wargeliyay iney deg deg u bixiyaan Baad dhan 300-500-kun oo US$ oo loogu adeegaayo Kooxda Argagixisada, Maamulka Dani ayaa ku fashilmay inuu wax ka qabto Hanjabadahaan, isagoo Dalxiis iyo dano gaar ah ku jooga magaalada Dubai.

Bishii April ee Sanadkaan ayeey kooxaha argagixisadu bam-gacmeedyo ku tuureen shirkadaha Al-Macruuf iyo Fadhisame, halkaasoo ay ku dileen laba qof, isla markaana ay khasaare ballaaran u geysteen hantidii shirkadahaasi oo gubtay kadib markii amar ka soo baxay Horjoogaha Kooxda Cabdulqaadir Muumin.

273710cookie-checkMa Dhabaa intii Badneyd Ganacsigii Magaalada Boosaaso Albaabada loo Laabay Cabsi awgeed…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com