Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Oo ka Hadlay Dagaalka Laas caanood

Somalia news

Inkastoo uu dagaal beeleedka ka socda Degmada Laas caanood uu galay Maalintiisii 10-aad, isla markaasna ay Maleeshiyaadka Muuse Biixi ay xalay Madaafiic ku duqeeyeen Magaalada, Mas’uuliyiinta Magaca Dowladda Federaalka ku qaraabta ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan xasuuqa socda, ayaa Qoraalkii ee Hadal-hayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa nuxur ahaan Xambaarsanaa…

-Inuusan jirin Magac la yiraahdo Jamhuuriyada Somaliland.

-In fulinta Mas’uuliyada Dastuuriga ee Maamulka Xasan Sheekh ka saaran badbaadinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen.

-In Duqeynta ka socota Degmada Laas caanood uu yahay dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo beeleed Hubaysan iyo Shacab laguna heysto go’aan kama qaadan kartaa aaya ka tashiga masiirkooda.

-In Guddi Baariseed loo baahan yahay oo u kuur gala Tacadiyada ka socda Degmada Laas caanood.

-In Shacabka Gobolka Sool ay xaq ay u leeyihiin iney cod dheer iyo kulamo ka yeeshaan Aaya ka tashiga Deegaankooda Xaquuqna la dhowro.

-In Maamulka Somaliland mid ka tirsan Somalia kuna dhisan qaab dhismeedka”XUDUUDAHA QABALIGA”.

242160cookie-checkAfhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Oo ka Hadlay Dagaalka Laas caanood