Maraykanka oo soo riday 3-Walxood (Aliens) oo aan la garanayn meel ay ka yimaadeen

U.S. World

Dawladda Maraykanka ayaa Isniintii sheegtay iney soo rideen 3-Walxood oo inaanay ilaa haatan garanaynin meesha ay ka yimaaddeen, saddex walxood oo joog sare (40-kun oo cagood) ku duulayey oo la soo riday dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey, iyaga oo dul sabbaynaya hawada sare ee Woqooyiga America…

Saraakisha waxay sheegeen in aanay rumaysnayn in walxahaasi ay ahaayeen diyaaradaha wax lagu basaaso, inkastoo aan arrintaas si buuxda meesha looga saari karaynin, Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa u sheegay saxafiyiinta aqalka cad, in walxahani aanay u muuqanin kuwo awood u leh inay wax basaasaan, hase ahaatee aanay arrintaas meesha ka saari karaynin.

Wuxuu sheegay in haraaga walxahaasi inay ku soo dhaceen goobo aad u fogfog oo ay adag tahay in la gaaro, gaar ahaan, meelo aad u baraf badan oo ku yeella xeebaha gobolka Alaska ee Woqooyiga Galbeed ee Maraykanka, Yukon oo Canada ah iyo harada Huron oo ku taalla xuduudda Maraykanka iyo Canada.

Maadaama ay kooban yihiin, xogta laga hayo 3-daan walxood ee ay soo rideen diyaaradaha Maraykanku, waxaa soo batay, wararka ku-tiri-kuteenta ah ee sheegaya in walxahani ay yihiin, kuwo ay ku lug leeyihiin, noolayaal kale oo duni kale innaga soo booqday. Xitaa arrintaasi waxaa carrabka ku dhufatay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, iyada oo sheegtay inaanay jirin wax calaamad ah oo muujinaya in walxahani ay ka yimaaddeen meel ka baxsan koonkan.

242070cookie-checkMaraykanka oo soo riday 3-Walxood (Aliens) oo aan la garanayn meel ay ka yimaadeen
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com