Maxaa Ka Run ah ah in Kooxda Shababka ay Weerartay Xaruntii & Barihii Kontoroolka Hey’adda NISA ee Balcad..

Somalia news

Waxaa Xiliyadaan dambe sii kordhaaya khaladaadka Siyaasadeed iyo Amni Hogaanka Villa Somalia, iyadoo ay soo badanayaan falalka amni darrada kooxda Argagixisada Shababka, waxaana u dambeeyay Weerar ay ku qaadeen Maleeshiyaadka kooxda Xaruntii NISA ee Balcad…

Goobjoogayaal Degaanka ah ayaa sheegay in 3-Bar kontorool iyo Xafiis Amni oo ku yaal gudaha magaalada ayaa la beegsaday, iyadoo Maleeshiyaadkii weerarka geystay ay dib ugu gurteen dhulka beeraha ee kulaala Degmada Balcad, iyadoo Xaruntii NISA uu soo gaaray burbur xoogan iyo khasaare nafeed oo aan la xaqiijin ayaa ka dhashay weerarkaasi gaadmada ah.

Khubarada Amniga ayaa farta ku goday in Hogaanka xiligaan ee Villa Somalia uu mas’uul ka yahay habacsanaanta ku timid Howlgalada looga soo hor jeeday kooxda Argagixisada, waxaa kaloo lagu eedeeyay inuu (Madaweynaha) Dantii guud ka hormariyay mida Kooxdiisa Shaatiga beenta ah ee Diimeed Dalka u horseeday burbur iyo kala qeybsanaan kala dhaxeysa Maamulada Gobolada.

319420cookie-checkMaxaa Ka Run ah ah in Kooxda Shababka ay Weerartay Xaruntii & Barihii Kontoroolka Hey’adda NISA ee Balcad..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com