Waa maxay Sababta Dalalka Afrika & kuwo  Kale ku riixaya ‘de-dollarisation’ – ka Ganacsiga Lacag kale..

Business World

Lacagta US$ waxay ahayd lacagta kaydka ah ee Adduunka in ka badan 75 sano, laakiin Dalal badan ayaa hadda raadinaya wado kale ay ku ganacsadaan, kadib markii Dowladda Mareyanka ay Lacgeeda ka dhigtay Hub lagu ciqaabo Dalalka Danaheeda ka soo horjeeda, lacagaha maxalliga ayaa noqday kuwo ku hoos nool US$…

Sida ay sheegayaan warar ay Warbaahintu heshay horraantii bishan, Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ugu baaqay Hogaamiyayaasha Afrika inay ka fogaadaan isticmaalka lacagta USD ee ganacsiga Afrika, iyo in la taageero nidaamka lacag-bixinta iyo dejinta Afrika oo dhan, oo la billaabay 2022-ka.

Sababta dhaqdhaqaaqan u helay taageero waa cunaqabataynta dhaqaale ee ay dhaqan galiyeen US-European Union (EU), sababtoo ah hawlgallada Ruushka ee Ukraine ka horna u isticmaaleen Syria, Libya Iraq, Iran, Cuba, Nicaragua, Nord Korea iyo Venezuela.

Bishii Abriil ee sanadkan, Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, isagoo booqasho Shaqo ku jooga China, ayaa lagu soo waramayaa inuu codsi aan la aqbali karin oo loogu talagalay Dalalka Aduunka inay ku ganacsadaan lacagaha maxalliga ah isagoo leh, “Maxaan u sameyn weynay ganacsi ku saleysan lacagteena? “Arrintan ayaa timid ka dib markii la sheegay in Brazil iyo China ay ku heshiiyeen in dollarka laga saaro ganacsiga labada dhinac.

261710cookie-checkWaa maxay Sababta Dalalka Afrika & kuwo  Kale ku riixaya ‘de-dollarisation’ – ka Ganacsiga Lacag kale..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com