Fadhigii Xildhibaanada Puntland Oo Baaqday & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Fadhiga Baarlamanka Puntland ee Maanta oo Talaado ah uu baaqday, kadib markii dhaq dhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda laga soo tebiyay Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe..

Wararka ayaa sheegay in Ciidamo taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo diidan furista Dastuurka Puntland ayaa dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka samaynaya Xaafado ka tirsan Garoowe, Xoogagaan gadoodsan ayaa xirtay isgoyska Global ee laamiga bartamaha oo u dhow xarunta Baarlamanka Puntland, waxaana xarunta ilaalinaya Ciidamo ka tirsan Maamulka.

Xoogaga taabacsan Mucaaradka iyo Kuwa Masmulka ee ilaalinaya Xarunta Golaha Wakiilada ayaa isku muuqda, taasoo horseeday in Dadka Rayidka ah ka qaxaan qaar kamid ah Xafadaha ka agdhow Baarlamanka, inkastoo aan ilaa iyo hadda wax isku dhac ah la soo werin.

Muranka Ka Taagan Wax ka bedelka Qodobo ka mid ah Dastuurka sida qodobada 46aad, 64aad iyo 113 ee dastuurka kuwaas oo la xiriira tirada xisbiyada, doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo dhismaha guddiga doorashooyinka ee Puntland, Wax ka beddelka Dastuurka ayaa la doonayaa in loo maro sifo sharci ah, oo ay ka mid tahay Wadatashi Dadweyne, dood Golaha wakiilada ah waana inaysan ka yaraan muddo 30 maalmood ah, waxaase dood ka taagan tahay in doonitaanka hadda ay tahay mid damac siyaasadeed uu weheliyo, taasoo dhib weyn ku ah in dastuurka inuu noqdo wax qof tuurta isaga qaadan karo sida uu jecel yahay iyo marka u rabo ka dhigan karo.

261800cookie-checkFadhigii Xildhibaanada Puntland Oo Baaqday & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com