Amaradii iyo Awoodii Ciidamada ee Mr.Kheyre Oo La Joojiyay

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Awoodii amar iyo saameyntii Wasiirka 1-aad uu ku lahaa Wasaarada Gashandhigga iyo Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, la joojiyay iney ka shaqeeyaan, waxaana la sheegay in la hoos geeyay Villa Somalia iyo NISA….

Ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay Diinah.com news in Amar ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia lagu faray Wasiirka Gashandhigga iyo Taliska Xooga dalka ineysan awaamiir ka qaadan Xafiisyada Wasiirka 1-aad, waxaana la faray iney amarada toos uga qaataan Adeege Fahad Yasin Agaasimaha NISA.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Sidoo kale Taliska Boliiska la faray iney la shaqeeyaan Agaasimaha NISA, iyadoo isbedelaan ay ku soo beegmeen xili uu gabaabsi yahay muddo xileedka Mr.Farmaajo isla markaasna uu jiro Khilaaf xoogan uu u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad.

48060cookie-checkAmaradii iyo Awoodii Ciidamada ee Mr.Kheyre Oo La Joojiyay