Maxaa Ku Dhiiri geliyay in Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ka Talabaan Xuduuda Somalia

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa xaalad adag oo ka taagan xuduuda Somalia & Ethiopia, kadib markii Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Argagixisada Shababka ay la talaabeen xuduuda Labada Dal, dagaalna ku qaadeen Ciidamada Liyuu ee Dowlad defaanka Soomaalida…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya degaano ka fog goobihii shalay lagu dagaalamay uu ka jiro Xiisado Colaadeed kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaadka kooxda Shababka gaar ahaan degaanka Huluul oo ka tirsan degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer, iyagoo la sheegay iney gaareen Degaanada Qooxle, Godgod, Hargelle iyo Ceelkari.

Weli ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho, Waxaase xaqiiqo in markii ugu horeysay intii la dhisay Kooxda Aragagixisada Shababka ay ka talaabaan Xadka Ethiopia.

waxaa xusid mudan in hadda ka hor howgal ay ciidamada Liyu Boliiska ka fuliyeen tuulo la yirahdo Hilo Madow oo ka tirsan degmada Ceel Karri, halkaasoo ay ka soo saareen 3-god Waa-weyn oo uu ku aasnaa noocyo kala duwan oo hub ah sidoo kalana ay soo qabteen xubno ka mid ah Shababka marka waxay u muuqataa in soo gelitaankooda uu la xiriiro dhacdadaasi.

202950cookie-checkMaxaa Ku Dhiiri geliyay in Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ka Talabaan Xuduuda Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com