Share the post "Amisom, Africom & Saraakiisha Ciidamada Oo Dadaalo Nabadeed Ka Wada Wanlaweyn"
Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlay amniga Degmadaas, waxaana ka qaybgalay Guddoomiyaha Magaaladaasi, Saraakiil ka kala socotay Dowladda Federaalka, howlgalka Mareykanka ee AFRICOM & AMISOM…
Magaaladaasi ayaa waxey muhiim u tahay isu socodka Degmooyin katirsan Gobolada S/Hoose iyo Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaalo sababay dhimasho & dhaawac oo dhexmaray Maleeshiyo beeleed halkaasi wada dega.
Saraakiisha Ciidamada wadajirka u shaqeeya ee DANAB, Mareykanka iyo Amisom ayaa dhankooda soo bandhigay kaalinta ay ka qaadan karaan qorshaha sugidda Amniga iyo la shaqeynta maamulka Degmada Wanlaweyn iyo sidii Maamulka ay uga gacansiin lahaayeen qorshaha lagu sugayo ammaanka Degmada oo duruufo kala duwan lasoo dersay.