Qarax Dhimasho geystay oo Lagu Xiray Dameero Oo ka Dhacay Xadka Kenya & Somalia..

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaray magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Qarax lagu soo xiray 2-Dameer uu ku qarxay Xadka u dhaxeeya Kenya & Somalia, kadib markii Xoogaga Amaanka ay Baaris ku bilaabeen 2-Dameer oo alaab saarneyd…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaani ku dhintay Askari ka tirsan Boliiska Kenya 2-kalena ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen, Askartaan ayaa xiligaasi isku dayaayay iney baaris ku sameeyaan alaabta saaran 2-Dameer, iyadoo Miino lagu qariyay Alaabta uu Gaari dameerada ay sideen.

Falkaan cusub ayaa ilaa hadda cid sheegtay aysan jirin, Xoogaga Amaanka Kenya ayaa sheegay iney baaritaano bilaabeen si loo ogaado cidda ka dambeysa, waxaana loi badinayaa iney Kooxda Argagixisada Shababka ay ka dambeeyaan bacdamaa ay ku xeel dheer yihiin farsameynta walxaha qarxa.

302110cookie-checkQarax Dhimasho geystay oo Lagu Xiray Dameero Oo ka Dhacay Xadka Kenya & Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com