Arday Soomaaliyeed Oo Ku Xayiran Magaalada Mekelle

Somalia news

In ka badan 50 Ardey Soomaaliyeed ah ayaa lagu waramayaa inay ku go’doonsan yihiin gobolka Ismaamulka Tigreyga gaar ahaan magaalada Mekelle halkaasoo ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhaxeeya dowladda Ethiopia iyo Maamulka Dowlad Goboleedka Tigray….

Wararka hordhaca ah ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in Ardeydaan aan wax war ah laga helin tan iyo markii ay halkaa ka qarxeen dagaallada Sokeeye, madaama la jaray ama la gooyay isgaarsiintii gobolkaasi.

Qaar ka mid ah ehelada Ardaydaan ayaa sheegay in ay welwel gaar ah ka qabaan xaaladooda nabadgalyo madaama aysan wax xiriir ah la laheyn, Ardeydaan ayaa qaarkood waxa ay deeq waxbarasho ku dhiganayeen Jaamacada Mekele ee caasimada gobolka Tigraay.

Dowladda Federaalka ayaa ka gaabisay iney xiriiro la sameyso Maamulka Tigray Ee Xarunta Gobolka Maamula, si loo badbaadiyo Ardaydaasi, waxaana la sheegay iney Maamulka Farmaajo uu la saftay Hogaamiye Kooxeedka Oromada Mr.Abiy Axmed oo Biladii Nabada u Bedelay inuu Dadkiisa u adeegsado Inuu Xasuuqo, isagoo wariyayassha Reuters ka joojisay shaqadadooda kuwa kale u digtay.

73950cookie-checkArday Soomaaliyeed Oo Ku Xayiran Magaalada Mekelle