Maxaa Ka Dhab Ah Khilaafka Farmaajo Iyo Mursal

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenkiisa (Muudey), khilaafkaan oo salka ku haya Magacaabista Guddiyada Doorashada iyo kan Khilaafaadka Ee Dowladda Federaalka, iyadoo uu gaaray heerkii ugu hooseeyay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news in Gudoomiyaha Baarlamaanka Mr.Mursal uu maalmihii ugu dambeeyay diiday inuu Talefonada ka qabto Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad, isagoo aad uga carooday in laga reebay Liiska Guddiyada Doorashada Dowladda Federaalka Xubno uu watay, wuxuuna gacanyarayaashiisa u sheegay inuu ka qeyb qaadan doono burburinta qorshayaasha afduubka doorashada.

Wuxuuna durbadiiba bilaabay inuu kulamo la yeeshay Madaxweynihii hore Ee Konfur galbeed Mr.Shariif Xasan iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mr.Xasan Cali Kheyre, oo ka sheegay inuu ka raali gelin doono Qaabkii sharciga iyo Daatuurka ka baxsanaa Ee Xilka looga xayuubiyay

73890cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah Khilaafka Farmaajo Iyo Mursal