Ardayda Somalia Ee Dalka Suudaan Ku Wax ku Barta Oo Sheegay Inay Xaalad Adagi soo food Saartay..

Africa News

Warsrka naga soo gaaraya Dalka Suudaan ayaa sheegayaa in Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Jaamacadaha Dalkaasi ay soo food saartay xaalad adag kadib markii dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Dalkaasi iyo Xoogag gaar ah oo loo yaqaano Dacmu Sariic ama gurmadka degdega ah..

Labadaan kooxood oo ay kala hogaamiyaan Madaxweynaha Dalkaasi Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan, kuwaasoo ay kala taageeraan Dalalka USA, UK Israel iyo Russia, UAE.

Xaaladda Caasimada ee Khartuun ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, inkastoo ay Ciidamada Dowladda ay sheegeen iney si buuxda gacanta ugu hayo Garoonka Diyaaradaha, Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa Diyaaradaha Dagaalka iyo Taangiyada.

Soomaali u badan arday ayaa ku nool magaalada Khartuum kuwaasoo cabsi xoogan soo food saartay, iyagoo sheegay iney lama filaan ku noqotay dagaal culus ee ka qarxay gudaha Magaalada Khartuum xilligan, iyadoo sidoo kale dhowr magaalo oo kale ay ka socdaan Dagaalo qaraar, iyadoo dhimashadu la sheegay iney gaareyso 200-Qof.

251780cookie-checkArdayda Somalia Ee Dalka Suudaan Ku Wax ku Barta Oo Sheegay Inay Xaalad Adagi soo food Saartay..