Kuraasta Xulashada Xildhibaanada Jubbaland

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in Maamulka Jubbaland uu qabto Xulashadii Xildhibaanada Federaalka, iyadoo 14-Kurssi la soo bandhigay in lagu tartami doono, inkastoo Go’aanka ugu dambeeyay uu yeelan Doono Axmed Madoobe, halka an hoose ka eeg Kuraasta iyo Xubnaha la filaayo in loo xusho..

#HOP082 – Beesha Absame Cowliyahan. Waxa la filaya inuu si dhib la’aan ah kuso qaadan doono Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland Cabdirashid Jire.

#HOP114, Beesha Absame Bahgari, Maamulka Madoobe ayaa la saadalinaya in shaqsi ku cusub saaxada siyaasada uu kursigaan kuso saari doono, waxana lagu magacaba Cumar Sarhaye.

#HOP203, Beesha Reer Cabdille Absame. Kursigaan wuxu horey u aha qoondo haween balse Madoobe ayaa qorsheeyay in sanadkaan laguso celiyo rag. Waxa loo saadalinaya kursigaan Guddomiyihi Guddigi Doorashoyinka iyo Xuduudaha Jubaland Xamse Cabdi Barre.

#HOP217, Beesha Reer Cabdille Absame. Kursigaan waxa shanti sanno ee laso dhafay ku fadhiyay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaacil oo si weyn Axmed Madoobe iyo Maamulka Jubaland uga dhax taageray Baarlamanka Federalka, Saadashu waa in Xildhibaan Xasan Firimbi uu kursigiisa dib loo soo xulan doono.

#HOP107 – Beesha Absame Bartire. kursigaan waxa ugu dhow inuu qaato Garaad Maxamed Sheikh oo haatan kamid ah masuuliyinta Rugta Ganacsiga Jubaland ee loo yaqaano JCC.

#HOP134, Beesha Cumar Warsangeli. Waxa la saadalinaya in qoondo haween si ahaan doonto kursigaan, Waxaana ku soo bixi Doonta Aqoonyahan Farxa Xasan Shabeel. Waana Gabar isbedel iyo horumar badan ku soo kordhisay Jubbaland iyo Puntland.

#HOP028 – Beesha Gaaljecel (Doqondiide) . Kursigaan waxa kuso bixi doono Aqoonyahan Dr. Maxamuud Axmed Ibraahim ( INDHACAAD) oo waqtiyadii asaaska Jubaland ka qeyb qaatey Taakuladda iyo Keenista daawooyinka iyo qalabaynta isbitaalka Weyn Degmada kismaayo Waana Gudoomiyaha Jaaliyadda dalka ENGLAND.

#HOP108 – Beesha Garjante, Maxamed Cali Cumar oo ku magac dheer Caana-nuug ayaa ku fadhiyay in muddo ah . Wuxuu ka mid ahaa xubnihi sida weyn Axmed Madoobe ugu garab siiyay doorashadisi, waxana la filayaa inuu u abaal gudi doono.

#HOP111 – Beesha Jareerweyne, Maxamed Nuur Iftin Shambara aya kursigaan haatan ku fadhiyo. Waxa la saadalinaya in Axmed Madoobe uu shaqsi kale soo xulan doono, balse weli go’aan kama uusan gaarin shaqsiga la xulan doono.

#HOP113, Beesha Jareerweyne, Wasiirada Dekedaha iyo Gaadidka Maryan Aweys Jaamac aya kursigaan ku fadhiday 5-tii sano ee la soo dhaafay. Maryan wexey kamid tahay garabka Madaxweyne Farmaajo oo siyaasad ahaan ay mucaarad isku yihin Madaxweynaha Jubaland, Hase ahaate, Madoobe ayaa doonayo in sida maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug xubno ka fikir duwan oo aan badneyn inuu soo saaro si doorashada aaysan ugu ekaan mid boob ah. Waxa la saadalinaya in Maryan dib loo dooran doono.

#HOP118, Beesha Baajun, sida Wararku sheegayaan waxa la soo warinayaa in kursigaan uu kuso bixi doono Yuusuf Ismaacil oo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland.

#HOP093 – Beesha Biyamal, waxa 5-ti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Sheikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirki hore Diinta iyo Awqaafta Xukuumadi Kheyre. Axmed Madoobe wuxu kursigaan haatan u wata Siciid Dheere oo aha Xildhibaan Gollaha Shacabka, Baarlamanki 9aad.

#HOP120, Beesha Dir Rer Aw Siciid, Waxa in muddo ah kursigan ku fadhiyay Cabdulqadir Baqdadi oo haatan ah Musharax Madaxweyne, Farmajaana u aha Wasiru Dowlaha Madaxtooyada. Sida ilo wareedyo loo qaateen ah ay sheegeen, Madaxtooyada Jubaland ayaa diyaarisay shaqsi cusub oo lagu magacaabo Asad Cabdi oo dalka Mareykanka ka soo shaqo tagay.

#HOP126, Beesha Mirifle Yantaar, Kursigaan wuxu ka mid yahay kuraasta uu Laftagareen doonayo inuu Madoobe kala gorgortamo. Xildhibaan Maxamed Jamac Geele oo kursigiisa yaalo Baydhabo isku beelna yihiin Madoobe ayaa doonayo in kursigaan la siiyo Xasan Xusen Eelay oo Wasiir ka ah Koonfur Galbeed, balse Madoobe ayaa culeys kala kulmayo Maxamed Xasan Idriis Ganeey oo kursiga ku fadhiyo, kana mid ah saaxibadis garab istaagay xiligi aay is khilaafeen Dowladda Federalka.

156170cookie-checkKuraasta Xulashada Xildhibaanada Jubbaland