Argagixisada Shababka Oo Dib u Qabsaday Degaanka Daru-Nimca ee Sh/Dhexe..

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa weerar kedis ah oo kooxda Argagixisada Shababka aroortii hore ee Saakay ku qaadeen Degaanka Daru-Nimca oo ka tirsan Degmada Aadan yabaal, degaankaan ayaa waxaa gacanta ku hayay Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Degaanka…

Wararka hirdhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka ay saakay weerar xoogan ku qaadeen degaanka Daaru-Nimca oo kamid ah degaannadii laga xoreeyay sanadkaan gudihiisa, Ciidamada Degaanka iyo kuwa Dowladda ee ku sugnaa Daaru-Nimca ayaa markii hore iska caabiyay weerarka waxayse sida la xaqiijinayo ay waayeen gurmad Cidan.

Ciidamada dowladda iyo macawisleyda laga qabsaday Daaru-Nimco ayaa sida wararku sheegayaan u baxay dhinaca degaanka Al-Kawsar ee Gobolkaasi, Xogta ayaa intaasi raacisay in Maleeshiyaadka Shabaabu ay gebi ahaanba burburiyay goobo muhiim ah oo ku yaalla degaanka Daaru-Nimca oo ay ku jiraan Masjidkii iyo Ceelkii degaanka.

263490cookie-checkArgagixisada Shababka Oo Dib u Qabsaday Degaanka Daru-Nimca ee Sh/Dhexe..