Nin ku Eedeysan inuu Xaday Canug yar oo lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho..

Somalia news

Qeybta guud ee Boliiska Gobolka Benadir ayaa soo bandhigay Eedeysane dhalinyaro ah oo ku eedeysan inuu xaday canuga yar, kadib markii ay Howlgal ka fuliyeen Boliiska Degmada Wadajir, iyadoo ay la kaashadeen Dadka Degaanka..

Boliiska Gobolka Banaadir ee shaaciyay slSawirka Minkaan eedeysanaha ah maysan sheegin magaciisa iyo waliba canuga yar ee uu xaday wiil iyo gabar midka uu yahay iyo halka canuga yar ee uu xaday uu ku dambeeyo, “Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan in uu xaday cunug yar. Booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanahan kadib markii lagu soo wargeliyay kiiskaan, wuxuuna talisku soo bandhigay sawirkiisu” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud..

Sikastaba Xoogaga Amaanka ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka wadaan qeybaha kala duwan ee Degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoona inta badan soo bandhiga dad ku eedeysan dambiyo kala duwan.

263460cookie-checkNin ku Eedeysan inuu Xaday Canug yar oo lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com