Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay dil xalay bartamaha magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle loogu geystay wiil yar oo 14 jir ahaa kaasoo uu geystay Askari ja tirsan Ciidamada Dowladda…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow, wuxuuna ka mid ahaa ardayda Dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane, iyadoo dilka lagu eedeeyay inuu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, kaasoo goobta ka baxsaday, kadib dhacdadaasi.
Marxuumka ayaa loo dilay dhac la xiriirta taleefan oo loo geysanayay Askariga Dowladda, iyadoo ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda oo uu horkacayey Gudoomiyaha Gobolka oo baaritaano kooban ka sameeyey goobtaasi.