Ganacsatada Qaadka Keena Somaliland Ka Fikiraaya sidii ay Qaadka Ethiopia u joojin lahaayeen & Sababta..

Somalia news

In muddo ah waxaa waxaa taagnaa muran xoogan oo u dhaxeeya Ganacsatada Qaadka ka keena Ethiopia iyo Qeybaha Canshuuraha Dalkaasi, kadib markii ay ku eedeeyeen Dowladda Ethiopia iney ka baxday heshiis ay horey u wada gaareen isla markaasna kordhiyeen Canshuurta…

Wararka ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay laba jibaartay Cabshuurta oo halkii marduuf laga qaadi jiray 5-US$ lagana dhigay 10-US$, iyagoo aan la tashi ka gelin Ganacsatada Qaadka, waxeyna ugu baaqeen Maamulka Hargeysa iyo kan Ethiopia iney dib u eegaan Go’aanka kordhinta Cabshuurta qaadka.

Ganacsatadaan ayaa ku hanjabtay iney gebi ahaan joojin doonaan Qaadka Hareeriga Ethiopia isla markaasna ay Qaadka ka soo iibsan doonaan Dalalka Kenya (Mirowga) iyo Yemen (Tocisiga), Go,aan Qaadashadan ayaa la sheegay iney safka hore kaga jirto Shirkada ugu weyn ee Qaadka Keenta Somaliland (Gaafane Company), oo kana mid ah Shirkadaha Cashuurta badan soo galiya Somaliland iyo Ethiopia.

232910cookie-checkGanacsatada Qaadka Keena Somaliland Ka Fikiraaya sidii ay Qaadka Ethiopia u joojin lahaayeen & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com