AU-da Guddi Baariseed u Saaray Tacadiyada Ciidamada Ethiopia Ee Gobolka Tigray

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in Midowga Africa ayaa magacaabay Guddi baaris iyo daba gal ku sameeya xadgudubyada xuquuqda Aadanaha oo ay Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea ka wadaan Gobolka Tigray ee waqooyiga Dalkaasi…

Bayaan ka soo baxay xarunta AU-da ayaa lagu sheegay in Kooxdaan baariseed ay Shaqada ka bilaabi doonaan Magaalada Banjul Ee Gambia kadib ayaa la sheegay iney safaro shaqo ku tegi doonaan Gobolka colaada hareysay Ee Tigray si ay u wareystaan Dadka degaanka.

Wasaarada Arrimaha Dibeda Ee Ethiopia ayaa ganafka ku dhufutay Guddiga baariseed, waxeyna ugu baaqeen in laga qeyb geliyo Baarista xubno ka tirsan Guddiyada Xuquuqda Aadanaha ee Ethiopia, Ethiopia ayaa sheegtay iney tahay wax laga xumaado dhismaha guddi hal dhinac ah.

125640cookie-checkAU-da Guddi Baariseed u Saaray Tacadiyada Ciidamada Ethiopia Ee Gobolka Tigray