Ma Dhabaa In Farmaajo iyo Fahad Ay Taageerayaal U Xusheen Xildhibaanimo

Somalia news

Sida ay muujinayaan xogo wareedyo laga helay Xafiisyada Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hogaanka NISA, ayaa dejiyay qorshe balaaran oo ay ugu xusheen tiro Taageerayaasha jidbeysan iyo Saraakiil hoose oo ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa NISA iney noqdaan Xildhibaano si loo difaaco Tacadiyada iyo Dembiyada la geystay 4-tii sano uu u dambeysay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay Ololahaan lagu xaqiijinaayo in lagu helo 160 Xildhibaan si loo hanto aqlabiyada Baarlamaanka Federaalka, waxaana la sheegay in Xildhibaanadaan laga soo xuli doono Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hir-shabelle, Konfur galbeed iyo Xikdhibaanada reer Waqooyiga.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Fahad Oo adeegsanaaya dhaqaale Dowladda Qatar oo la soo marsiiyo MyBank oo ah Bangi ka dhisan Magaalada Mogadishu ayaa lagu wadaa inuu fure u noqdo Musuqmaasuq iyo boobka Doorashada, iyadoo la sheegay in Bangigaan uu si toos ah u maalgelin doono 25-xubnood oo Saraakiil ka tirsan xiligaan Hey’adda NISA ay u tartami doonaan Kuraasta Xildhibaanimo.

Waxaana Saraakiishaan Ka mid ah:-

-Cabdulahi Aadan Kulane (Jiis-Mareexaan) (Gedo) Kuxigeenka NISA.

-Liibaan Kadiye, Maxamed Ciise, Yaasin Maxamed, Mukhtaar Maxamed, Faarax Cabdi, Maxamed Cabdulahi, Cabdiladhiif Cabdulahi, Cabdulqaadir Muxyadiin, Cabdullahi Cabdiraxman, Abdiwahaan, Axmed Cali, Xaaji Aweys, Ismaaciil Isaaq iyo Asmo Yuusuf.

125680cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo iyo Fahad Ay Taageerayaal U Xusheen Xildhibaanimo