Ciidamada Libya Oo Lagu Eedeeyay Xadgudubyo Ay Geysteen

Africa News

Qeylo Dhaan ay soo saareen Ururada u dooda xuquuqda Aadanaha ee Dalka Libya ayaa ku eedeeyeen Ciidamafa Dalkaasi tacadiyo jinsi naceyd iyo isku day kufsi oo lagula kacay Magangeliyo-doonayaal u dhashay Somalia, inkastoo Dowladda dalkaasi aysan ka jawaabin eedaha loo jeediyay…

Warbixino hordhac ah oo laga helay Wareysiyo la la yeeshay Dhibanayaasha qaarkood ayaa sheegay in lagu xiray Xabsi ay gacanta ku Hayaan Ciidamada Dowladda looguna tala galay Muhaajiriinta jilicsan (Nugul) Ee Magaalada Tripoli kadib markii laga siidaayay xabsiga Tahriibayaasha.

Hase yeeshee intii loo boog dayi lahaa naxdintii iyo cabsidii ay ka qaateen inta ay gacanta ugu jireen Magafayaasha (Burcada Hubeysan), ayaa la sheegay in si isdaba joog ah fara-xumeyn loogu geystay, Sida ay u sheegeen la Dhibane Wakaalada Wararka ee Assacieted Press, iyadoo 5-Gabadhooda oo Xabsigaasi ku jira ayaa la sheegay iney 2-ka mid ah ay wareysiyo bixiyeen.

125610cookie-checkCiidamada Libya Oo Lagu Eedeeyay Xadgudubyo Ay Geysteen