Ma Dhabaa in Heshiiska 10-Sano ah Oo Ilaalinta Xeebaha ay Dowlada la Gaartay Turkiga..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa heshiis Amni oo ay Dowlada Federaalka ayaa la gashay Dowlada Turkiga maalmo ka hor, taasoo u fasaxeysa Ciidamada Badda Turkigu awood ay ku ilaalinayaan xeebaha Dalka, inkastoo heshiiska aan wali la horgeyn Golaha Fulinta oo anxiyay maanta waxaana lagu wadaa in Golayaasha labada Aqal ay ansixiyaan isla maanta ayuu dhaqan galayaan Heshiiska..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan booqan doona Dalka Turkiga si loo xoojiyo heshiiska, Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 Sano, iyadoo Ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa Xeebaha Dalka todobaadyada soo socda, waxayna awood u yeelan doonaan in Kheyraadka ku jira 30% wax ka badan ay qaataan, sidoo kale ay dib u dhisaan una Qalabeeyaan Ciidamada Badda Somalia.

Ilaa hadda ma cada in heshiiska ay ku jirto, in haddii lagu soo xadgududbo Xeebaha dalka ay u dhiman doonaan & in kale dhinaca Turkiga, taasoo haddii aan jirin aan waxba ka duwanaan doonin joogidooda waqtigan ee qeyb kanoqoshada howlgalka Amni sugida ee ay dalal badan ku joogaan biyaha Dalka.

Durba Maamulada Waqooyiga iyo Puntland Dawladdaha Europe, (China) Aasiya iyo kuwo kale ayaa cabsi iyo cabasho ka keenay Heshiiskaan, waxeyna sheegeen i uu kahor imaanaya howlgalkii wadajirka ahaa Euro-Force.

310080cookie-checkMa Dhabaa in Heshiiska 10-Sano ah Oo Ilaalinta Xeebaha ay Dowlada la Gaartay Turkiga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com