Digniino Laga Bixiyay Qaraxyo & Gaadiid Miineysan

Somalia news

Hay’adaha Amaanka Dalka ayaa soo saaray qoraal looga dhigaayo Shacbiga iyo Xarumaha Dowladda iney dhici karaan weeraro xooggan iyo Gaadiid qaraxyo loo adeegsado oo ay diyaariyay kooxda Argagixisada Shabaabka inay ka fuliso Muqdisho..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Digniintaan oo loo diray Talisyada Ilaalada Guutada Madaxtooyada Iyo Wasaarada Gaashandhigga, in Al-Shabaab ay qorshaynayso in 3-gaari noociisu kala yahay Dayno mida kiosk yahay Caddaan, Ruuneed kalarkiisu tahay Buluug iyo Leyla Calaawi midabkiisu yahay Cagaar kuwaasoo laga soo buuxiyay Walxaha qarxa.

Goobaha la xusay, ee ay suurta-galka tahay in Kooxda Shabaabku ay beegsato, ayaa waxaa ka mid ah xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, xarunta Taliska Ciidanka Xoogga iyo Xerada Damaanyo oo ay degan yihiin Ciidanka Gorgor iyo isbaarooyinka Laga galo Xarunta Madaxtooyada.

Inkastoo digniinta lagu sheegay in weeraradan loo adeegsan karo Gaadiidka kor ku xusan, haddana waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Kooxdaani ay weerarada u adeegsato shaqsiyaad soo xirta jaakadaha qaraxyada.

145810cookie-checkDigniino Laga Bixiyay Qaraxyo & Gaadiid Miineysan