Degdeg:-Iskuday Dil Ayaa si dirqi ah uga Badbaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa isku day dil oo loo maleegay Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, iyadoo la sheegay iney falkaasi ay ku lug yeesheen Ciidamada Nabadsugida gaar ahaan kuwa garoonka diyaaradaha…

Wararka ayaa sheegay Madaxa Xoogaga Nabadsugida Garoonka iyo Ciidamo hubeysan oo u badan Beelaha Mareexaan & Shiiqaal ayaa isku dayay iney khaarijiyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ka hortagay Ciidamada ATMIS & Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Dhabancad iyadaoo lagu sameeyay hub ka dhigis, waxaana dhammaantood lagu wareejiyay ciidanka ATMIS ee ka howlgala Somalia.

https://fb.watch/cCAOl22DDW/

Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka Dhabancad oo saxaafadda la hadlay waxa uu sidoo kale sheegay in weerar ay kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda, balse arrintaas aysan ahayn mid ay ku joogsaneyso howlaha doorashooyinka ee dalka iyo shaqada ay qaranka u hayaan.

https://fb.watch/cCziMIrcHx/

185050cookie-checkDegdeg:-Iskuday Dil Ayaa si dirqi ah uga Badbaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com