BAARLAMANKA PUNTLAND OO ANSIXIYAY INEY IIBSADAAN

Somalia news

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay Qoraal Codsiya oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garoowe….

Qoraalka Codsiga ah ayaa lagu sheegay in Amni ahaan aysan ku habboonayn Xarunta uu hadda ku shaqeeyo Golaha Baarlamanka maadaama ay ku dhex taallo gurya ay deggan yihiin Dad Shacab ah sidaas darteedna ay tahay in Goluhu helo Xarun ka baxsan gudaha Magaalada.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada oo dood qarsoodiya ka yeeshay Codsiga Guddoonka ayaa markii dambe ansixiyay Qoraalkaas waxaana ay go’aamiyeen in ay iibsadaan Xarunta Golaha islamarkaana la raadiyo Xarun kale oo ka baxsan gudaha Magaalada.

Kulankii Maanta oo ay soo xaadireen 41 xubnood waxaa in Xarunta Golaha la iibiyo u codeeyay 31 mudane 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 mudane ay ka aamuseen Qoraalkaas codsiga ahaa.

Mudadii ay socotay Doodda iyo Codaynta Qoraalka Codsiga ah ee Guddoonka Golaha Wakiiladu  uu Xildhibaannada kaga dalbanayey in ay iibsadaan xaruntooda waxaa Golaha bannaanka looga ceyriyay Dhalinyarada Muuqaallada u duubta Baarlamanka si looga taxaddaro in aysan bixin Xogta.

Waxaa xusid mudan in aysan weli Guddoonka Baarlamanku shaacin halka ay Xarun cusub ka dhiganayaan maadaama ay ansixiyeen in ay iibsadaan Xaruntooda ay haatan ku shaqeeyaan.

47880cookie-checkBAARLAMANKA PUNTLAND OO ANSIXIYAY INEY IIBSADAAN