UNSOM Oo Eedeyn U Jeediyay Gudoomiyaha Barlamaanka

Somalia news

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM) ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka inuu horgeeyay Golaha sharci aan sax aheyn Oo Wax badan laga bedelay, kadib markii ay Soo gudbiyeen Golihii Wasiirada…

Qoraalka ayaa lagu cadeeyay in “Xeerka la xiriira Dembiyada Galmada) ay aad uga walaacsan yihiin, kaasoo aan aheyn kii saxda ahaa, iyadoo Xafiiska UN-ka Somalia ay Mas’uuliyada eeda dusha u saarisay Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Mr.Mursal.

Sharcigaan Oo horey loogu magac daray “Sharciga Dembiyada Jinsiga” Oo si weyn u daneynaayeen Dalalka Reer Galbeedka, ayaa muran xoogan wuxuu ka dhaliyay fadhigii Xildhibaanada Barlamaanka kaasoo la diiday in ajandihiisa la ansixiyo.

Waana markii ugu horeysay ee Xafiiska UNSOM uu eedeyn toos ah u jeediyo Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka, soona fara geliyo Howlaha Barlamaanka iyo Sharciga laga doodaayo.

52830cookie-checkUNSOM Oo Eedeyn U Jeediyay Gudoomiyaha Barlamaanka