Kala Irdhowga Wadayaasha Bajaajta & Xoogaga Amaanka Oo gaaray Heerkii ugu Hooseeyay..

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay Dhibaatada, Dilka bareerka a, baada joogtada ah iyo ku xadgudubka Wadayaasha Bajaajta ay geysanayaan Xoogaga Amaanka ee magaalada Mogadishu, iyadoo Maamulada Villa Somalia & kan Gobolka ku fashilmeen iney wax ka qabtaan tacadiyada loo geysanaayo Canshuur-bixiyayaasha…

Waxaa markhaati ma doonto ah in Askarta   taagan Wadooyinka kana wadaan howlgalada si gaar ah ay u beegsanayaan Wadayaasha Bajaajta iyo Rakaabka saaran, iyadoo Askarta qaarkood ay weydistaan lacago baad hadii laga dhego adeygana waxaa la filan karo waa Xabad.

Mid ka mid Wadayaasha Bajaajta ayaa eedeeyay Maamulka Villa Somalia iyo kan Gobolka Benadir in Canshuurta laga qaado oo 15-US$ iyo 27-US$ uusan mudnaanteeda lehin, wuxuuna sheegay in Ilaahey hortiisa uu kuka xisaabtami doono Madaxweynaha, Xildhibaanka metalo, Gudoomiyaha Gobolka & Ciidamada, wuxuuna sheegay in xadgudubiyadu ay joogto noqdeen cadaaladna u ooman yihiin.

Wuxuu sheegay in Canshuur xad dhaaf ah laga qaado isla markaasna loo diiday inuu Wadooyinka maro, taasina ay dhibaato ku tahay, isagoo sheegay in Cadaalada Ilaahey hortiisa la isla tegi doono iyadoo isku awood la yahay, wuxuu ku baaqay in Dhaliyarada xoogsatada ah in sidaan loo dhaamo.

Arintan waxay keentay walaac laga qabo hab dhaqanka Ciidamada Dowladda ee howlgala Isbaarooyinka magaalada Muqdisho waxaana  soo baxay caro badan oo laga  muujinayo, iyadoo Dadka ku nool Muqdisho ayaa baraha bulshada iskula wadaageen sida arintaani u tahay dhiilo jirta oo dhibaato keeni karta dhaawacna ku ah Dowladnimada ah haddii amni la sugayo ay tahay in loo maro sida saxda ah.

296260cookie-checkKala Irdhowga Wadayaasha Bajaajta & Xoogaga Amaanka Oo gaaray Heerkii ugu Hooseeyay..