Banaanbaxa Shacbiga Mogadishu & Amaanka oo Aad loo Adkeeyay..

Somalia news

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacaan Banaan-bax weyn oo looga hi soo horjeedo damaca Masmulka Abiy ee Ethiopia ee dhul boobka iyo heshiiskii dhawaan la gashay Maamulka Falaagada Somaliland kaasoo lagu qabtay magaalada Adis Ababa…

Qabanqaabiyayaasha ayaa saadalinaaya iney ka soo qeyb galaan 1-Millions oo Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda iyo sidoo kale shaqaalaha kala duwan ee dowladda oo lagu amray in bannaan-baxa kasoo qeyb galaan, iyadoo Dowlada Federaalka u xil saartay Guddiuo heer Wasiir ah iyo Maamulka Gobolka Benadir.

Xoogaga Amaanka ayaa si weyn u adkeeyay amaanka goobaha la filayo iney ka dhacaan bannaan-baxa, waxeyna Ciidamadu gabi ahaan xireen oo gaadiidka u diidayaan Wadooyinka soo gala goobaha ay dibad-baxyada ka dhacayaan.

Banaan-baxa ayaa Dowladu ujeedkiisa ku sheegtay inuu yahay fara gelinta iyo Boobka Xeebaha ee ku dhiirtay Dowlada Ethiopia oo heshiis is afgarad xaaraan ah la gashay Somaliland, kaasoo ah damac baalmarsan jiritaanka dhuleed iyo midnimada ee Somalia, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka caalamiga ah.

300140cookie-checkBanaanbaxa Shacbiga Mogadishu & Amaanka oo Aad loo Adkeeyay..