Xiliga Kala Guurka Iyo Howlaha Labada Shabab

Somalia news

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya in Kooxaha Labada Gabar ee Shababka ay shaqooyin culus oo iska soo horjeeda ka wadaan magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ahi ay gacan ka helayaan Adeege Fahad (Abuu Camaara) iyo Horjooge Cabdulaahi Kulane (Jiis-mareexaan), xiligaan lagu jiro marxalad kala guur ah, ayaa digniino laga soo saaray in kooxahaan iyo shaqsiyaadkaan ay si wadjir ah u maleegayaan qorshayaal qaraxyo iyo khaarijin xambaarsan…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay, Garabyada kooxda Shababka oo dhaqaale xumo aad u baahan soo food saartay ayna horseeday iney dhexdooda iska ugaarsadaan, isla markaasna ay mid ka mid ahi garabyadaan ay xiriir toos ah la yeelatay Adeege Fahad iyo Horjooge Jiis-Mareexaan, waxaana loo balanqaaday in dhaqaale iyo tiro Maxaabiis ah loo soo deyn doono si ay u fuliyaan Qaraxyo goobaha muhiimka ah ee dadka Rayidka sida (Hoteelada, Malls-ka iyo Suuqyada ganacsiga.

Sida ka muuqata weerarada 48-dii saac ee u dambeysay lagu kala qaaday magaalooyinka Muqdisho (2-weerar), Bay iyo Gobolka Gedo (2 weerar), waxey ahaayeen howlgalo iska soo horjeeda oo Garabyada Kooxda Shababka ku bartilmaameedsanaayeen Goobaha rayidka ah, iyagoo la kala safan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo iyo garab diidan in qaraxyada laga joojiyo magaalada Muqdisho, Qaraxyadaan ayaa khasaare balaaran geystay, iyadoo laga digaayo iney jiri doonaan Qaraxyo kale oo qorsheysan iyo dilal qorsheysan.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Koox naftood haligayaal ah oo isugu jira Rag iyo Haween la soo geliyay magaalada Muqdisho, sidoo kale tiro Gaadiid miineysan ayaa lagu hayaa Hoosooyin (Garaashyo) ku yaal magaalada Muqdisho, kuwaasoo u diyaarsan iney weeraraan bartilmaameed cayiman, iyadoo gacan ka helaaya adeege Fahad iyo Horjooge Jiis-mareexaan, waxaana Shacbiga, ganacsatada iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka looga digay iney feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo dhaqdhaqaaqooda xadidaan.

55160cookie-checkXiliga Kala Guurka Iyo Howlaha Labada Shabab