Dhaqdhaqaaqyada iska soo Horjeeda ee Colaada Hurinaaya ee ku Gedaaman Geeska Africa iyo Gacanka Badda Cas..

Somalia news World

Kadib markii Maamulka Abiy uu ku dhaqaaqau inuu Heshiis sharci darro ah la saxiixday Maamulka Falaagada Somaliland lagu siiyay Xeeb dhirirkeedu yahay 20-KM oo Xeebta Lughaya ah iyo 90-KM oo loo qorsheeyay Wadooyin Tareen iyo Gadiid ilaa xadka, ayaa waxaa soo baxaaya ifafaalo in Geeska Afrika mar kale Awood la is tijaabin doono…

Dhaqdhaqaaqyada socda ayaa u muuqda in Dagaal lagu hoobto uu dhici doono Geeska Africa, waxaana lagu diriri doonaa Dhulka iyo Xeebaha iyo Dalka Somalia, Iyadoo Isbaheysiyo Dalal dhowr ah oo iska soo horjeeda ay gorada is gelin doonaan, Hadaba waa kuwee Dalalkaasi:-

Egpyt, waxey ka baxday dhawaan Wada hadaladii qeybsiga biyaha wabiga Niilka, iyadoo Dowlada Dalkaasi ay xiligaan qorsheyneyso iney xooga saarto sidii Somalia Fariisimo Ciidamo oo kuwa Badda iyo Dhulka looga siin lahaa Dhawaana la filaayo marka uu Madaxweynaha Dalka Booqasho ku tago Dalka Masar in laga wada hadlo.

Ethiopia, oo Xiligaan Horjooge talo xumo uu hogaamiyo isla markaasna Xasuuq ba’an u geystay Shucuubta Tigreyga iyo Amxaarada, isla markaasna ay Reer Galbeedku ku abaal mariyeen Bilada Nabada, kuna hungoobay inuu Dalka Eritrea ka helo dhul/Deked kutaala Badda Cas, ayaa isku maqiiqay inuu Boobo dhulka Somalia, iyadoo laga cabsi qabo dagaalada socda awgeed inuu 8-Dal u kala qeybsamo sidii Yuguslavia.

Sudan, Dalkaani waxaa Nidaamkiisii Dowladeed dumiyay Dowladaha UAE, Ethiopia, Kenya iyo Uganda, waxaana Shacbigeeda la baday Qax iyo dagaal Sokeeye, iyadoo Horgale la hubeeyay uu burburiyay Nidaamkii Dowlada dhexe ee Dalkaasi.

Eritrea,Dowlada Asmara ayaa Heshiis iskaashi la gaartay Somalia, Heshiiskaan ayaa u muuqda mid go’doon lagu gelinaayo Maamulka Abiy ee Ethiopia, iyadoo hadii uu hirgalo qorshahaan iyo Qorshe kale oo ay wado Dowladda Asmara oo wada hadalo qarrsoodi ah kula jirta Maamulada Tigrey iyo kan Amxaarada ay soo dedejin doonto burburka Hogaanka Abiy.

Somalia, oo Xiligaan aysan ka jirin Dowlad awoodeeda ku faafsan tahay Gobolada Dalka isla markaasna ay kala qeybsanaan xoogan ka dhex jirto Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada ayaa laga cabsi qabaa in Maamulka UAE ay ku riixdo Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Somaliland iney xiriirka u jaraan, bacdama ay Dowladu wado Qorshe ay Dalka Masar ugu oggolaaneyso saldhigyo Milateri, ku darsoo Danjiraha Ethiopia ayaa Mogadishu dib ugu laabtay, Maamulka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay iney ku fududastay Heshiiska ay la gaartay Maamulka Hargeysa.

Djibouti, xiligaan waxaa ka dhex jira abaabulo kacdoon gudaha ah oo daaha gadaashiisa ay ka riixaayaan UAE & Ethiopia, iyadoo ku darsoo hadiiba uu hirgalo Mashruuca xeeb/dhul boobka Ethiopia waxey la kulmi doontaa Dhaqaalo yari baahsan oo dhanka Dakadeeda ah, Xogo ayaa tilmaamaya in USA ay ka codsatay Dowlada Djibouti iney Dalkeeda la dhigo Gantaalada ridada dheer iyo kuwa Difaaca Cirka.

Yemen, Xuutiyiinta oo xiligaan xiriir hoose la leh Kooxaha Burcad badeedka ka howlgala Degaanada Puntland iyo Somaliland, ayaa bilaabay iney isbaaro dhigtaan Gacanka Bab al Mandab, waxeyna Gantaalo, Drones-ka ku garaacayaan Maraakiibta Xamuulka, kuwa Shidaalka iyo Ganacsiga, iyadoo laga cabsi qabo iney weerardooda ku ekeeyaan Saldhigyada Ciidamada USA iyo UAE ee Dekada Berbera iyo Djibouti, talaabadani waa ifafaalo xawilaad ah.

US: Dalkaan ayaa lumiyay kaalintii Boliiska Aduunka uu ka ahaw, wuxuunw ku socda wadadii ay mareeb Isbaheysigii UK/France, kadib markii siyaasadiisu ay noqotay iney si indho la’aan ah u taageeraan Dalka Israel oo xasuuq ka wada Dhulka Falastiin.

300170cookie-checkDhaqdhaqaaqyada iska soo Horjeeda ee Colaada Hurinaaya ee ku Gedaaman Geeska Africa iyo Gacanka Badda Cas..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com