Ma Dhabaa in Cilado ay ku Geedaaman yihiin Xulashada Wasiirnimo Ee Mukhtaar Roobow

Somalia news

Inkastoo Hogaanka sare ee Dowladda Federaalka u xusheen in Muwaadin (Mukhtaar Roobow) Xabsi guri ku xirnaa muddo dheer Jagada Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta, haddana waxaa soo shaac baxaaya diidmo xoogan oo ay ka qabaan Duruuqyada Suufiyada oo Dalkaan Qarniyaal soo ahaa Hogaamiyayaasha Diinta…

Falanqeeyayaasha Arrimaha gudaha ayaa tilmaamay ineysan aheyn Talaabo wanaagsan in mid ka mid ah Aasaasayaashii Kooxda Aragagixisada Shababka loo xusho inuu Hogaanka u qabto Wasaarada Diinta, kuwaasoo horey u suurad xumeeyay Diinteena Macaan, isla markaasna aan laga talo gelinta Duruuqda Kale.

Teeda kale waa talo fiican in Horjooge hore loo adeegsado dagaalka kooxaha Argagixisada, balse wuxuu ku haboonaa in loo xusho Wasaaradaha Amniga & Gaashandhigaa, Laakin inuu Caruurteena Tuusaale u noqdo Shaqsi dhiig badan gacmihiisa ku geystay dilayna Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka fikir duwanaa in Wakiil Wasaarada Diinta loo xusho waxey muujineysa Tala xumida Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad.

Prof.Kabire ayaa sheegay in ”Madaxda talada heysa ugu baaqay iney dib u saxaan khaladaada iyo guuxa jira, dhinacyo kala duwan ayaa ku baaqay in la saxo”, Wuxuu kaloo farta ku goday in Magacaabistaan ay diidmo xoogan ka keeni doonaan Duruuqda Suufiyada isla markaasna laga yaabo iney dib isku abaabulaan dagaalna isku diyaariyaan.

205680cookie-checkMa Dhabaa in Cilado ay ku Geedaaman yihiin Xulashada Wasiirnimo Ee Mukhtaar Roobow

4 thoughts on “Ma Dhabaa in Cilado ay ku Geedaaman yihiin Xulashada Wasiirnimo Ee Mukhtaar Roobow

  1. Runtii Waa maqaal dhab ka hadal ah oo ifineysa xaalada jahwareerka ah ee ku gedaaman Maamulka Talada la wareegay, Waan ku raacsanahay iney ku habooneyd in Wasaaradaha la xalay midkood loo dhiibo si Dhiilo colaadeed dib u curin

  2. Runtii Waa maqaal dhab ka hadal ah oo ifineysa xaalada jahwareerka ah ee ku gedaaman Maamulka Talada la wareegay, Waan ku raacsanahay iney ku habooneyd in Wasaaradaha la xalay midkood loo dhiibo si Dhiilo colaadeed dib u curin

  3. Xaqiiqda jirta ayaa laga hadlay in Dalka lagu saxo Maqaalkaan oo kale Waa soo dhaweynayaa waana ku mahadsan yahay Qoraaga inuu runta taabto

  4. Shacbiga Soomaaliyeed uma baahna xiligaan in dagaalo Diimeed dib loogu celiyo, waana markii ugu horeysay Wasaarada Awqaafta iyo Diinta gacanta loo geliyo Kooxda Al-Ictisaam waana ayaan darro in Kooxda Damu jadiid ay ku dhiiradaan falkaasi wixii ka dhasha iyagaa lagu xisaabinayaa

Comments are closed.