Dagaalka Sudan & Khasaaraha Dhaqaale ee Dowladda Federaalka ka soo Gaaray..

Africa News Somalia news

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinaaya in qaar kamid ah wadooyinka Caasimada Dalka Sudan ayaa lagu arkayay maalmihii ugu dambeeyay Lacago Shilin Somali ah cusub oo lagu daadiyeen, iyadoo garab kamid ah dhinacyada dagaalamaya ay u dhaceen Keydka Bangiga dhexe ee Dalkaasi…

Wararka ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Falaagada ah RSF ee UAE uu taageero kana dagaalamaya Degaano ka tirsan Dalka Sudan ayaa dariiqyada Caasimada dalkaasi ee Khartuum ku daadiyay Lacago loo daabacay Dawladda Federaalka Somalia, sida uu muujinaayo nuqul ka mid ah.

Iyadoo Malaayiin US$ ah ayaa la galiyey in la daabaco Lacagta cusub oo ay yeelanayso Dowladda Federaalka Somalia, laakiin sanado oo ay diyaarsaneyd lacagtaasi ilaa iyo hadda lama keenin gudaha Dalka, waxaana lagu sababeeyay Diidmo ay ka muujiyeen Hey’adaha IMF iyo World Bank ee la xiriira Mashruuca deyn Cafinta Dalka.

Maamulka Xasan Sheekh ayaan ka hadlin dhacdadaan iyo jiritaankeeda, mana jirto xog dhab ah oo laga heli karo cadadka saxda ah ee lacagta gudaha Sudan kaga khasaartay Dowlada Federaalka Somalia, iyadoo sanadkii 2011-kii ayeey Maamulkii KMG aheyd ee Sheekh Shariif ay ka dalbadeen Dowladda Sudan daabicida lacag shiling Soomaali ah, taasoo ay aqbaleen.

260110cookie-checkDagaalka Sudan & Khasaaraha Dhaqaale ee Dowladda Federaalka ka soo Gaaray..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com