Barakicinta Muwaadiniinta Qasabka ah Waa In La Joojiyaa

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa xiliyadii ugu dambeeyay qaatay Siyaasad qar iska tuur ah, isagoo ku amray Xoogaga hubeysan ee Maamulkiisa iney dib u bilaabaan Raafka, Barakicinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Konfurta Dalka Ee ku nool Degaanada Waqooyiga…

Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa si adag u dhaliilay Siyaasada Barakicinta Qaxootiga gudaha ee uu wado Maamulka Muuse Biixi, iyagoo sheegay in ku dhowaad 7000 oo Qof si qasab ah looga barakiciyay Magaalada Laas caanood 3-todobaad ka hor, waxeyna ugu baaqeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland iney dhowraan heshiisyadii ay horey u Wada gaareen.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay iney qeyb ka yihiin barakicinta Qaxootiga, kadib markii ay diiday heshiis ay labada dhinac gaareen sanadkii 2013-kii, kaasoo dhigaayay in Mashaariicda Horumarinta Gobolada Waqooyiga toos loo siiyo Maamulka Hargeysa. Iyagana ay oggolaadaan in Muwaadiniinta ka soo jeeda Konfurta Dalka degaan degaanada Waqooyiga kana shaqeystaan.

147910cookie-checkBarakicinta Muwaadiniinta Qasabka ah Waa In La Joojiyaa